XOG: Dhuusamareeb, musharrixiinta mucaaradka oo ogolaaday inay doorashada ka qayb galaan + shuruud, beesha caalamka oo halkaa laga sugayo & ammaanka oo la adkeeyay!

0

(Dhuusamareeb) 01 Feb 2020 – Wararka ka imanaya magaalada Dhuusamareeb ayaa tibaaxaya in ciidamada ammaanka ee DF Somalia ay saaka si aad ah u xoojiyeen aa ammaanka magaaladaasi.

Wararku waxay intaa raacinayaan in si aad ah loo baarayo gaadiidka iyo dadka saaran ee soo gelaya caasimadda maamul-goboleedka Galmudug.

Waxaa sidoo kale il gaar ah loo yeeshay dhaqdhaqaaqyada agagaarka Xarunta Shiirkoole oo lagu wado in lagu qabto doorashada Galmudug, halkaasoo dhaqdhaqaaqeeda la koobay.

DF Somalia oo horay maalmo yar ugu kordhisey xilliga la qabanayo doorashada madaxwaynaha iyo ku xigeenka Galmudug si wax la iskugu jiid jiido, ayaa lagu wadaa in ugu dambayn halkaa berri oo Axad ah lagu qabto.

Wararka aannu helayno waxaa ay sheegayaan in dhowr kulan lala yeeshay musharrixiinta ka didsan ka qayb galka doorashada, si loogu qanciyo inay ka qayb galaan, balse weli ma cadda inay aqbaleen iyo in kale.

Warar kale oo aannu ka helnay Dhuusamareeb ayaa sheegaya in ay musharrixiintii didsanayd ogolaadeen inay is diiwaan geliyaan, iyagoo codsaday in waqti loogu daro xilliga doorashada loo muddeeyay.

Wefdi ka socda Beesha Caalamka ayaa iyagana lagu wadaa in ay maanta gelinka dambe ama ugu dambayn berri gaaraan magaalada Dhuusamareeb.

Waxaa iminka Dhuusamareeb ku sugan kooxda ASWJ oo waloow ay heshiis horay ula galeen DF isla markaana soo xuleen 20 xubnood oo Baarlamaani ah misna ku dhawaaqay maamul ay sheegeen inuu MW ka yahay Sh. Shaakir.

Waxaa mid kaa la mid ah koonfurta Gaalkacyo uga dhawaaqay Xaaf oo ah MW hore ee Galmudug, taasoo sii murjisey xaaladda Galmudug oo awalba cakirnayd.

Hadalsame Media