DEG DEG: Dad duug ka qayb gelaya oo rasaas oodda looga qaaday!

0

(Riviera Beach, FLA) 01 Feb 2020 – Dad badan ayaa la sheegayaa in lagu toogtey xeebta loo dalxiiso ee Riviera Beach, Florida.

Waxaa la sheegay in meesha la xabadeeyay ay ahayd dad duug iskugu soo baxay, waxaana isla goobta ku dhintay wiil 15-jir ah iyo nin kale oo wayn.

Waxaa se ku dhaawacmay 2 qofood oo kale.

Toogashada ayaa ka dhacday agagaarka laba kaniisadood oo ku yaalla daanta woqooyi ee qaybta camiran ee magaalada Miami.

Toogashadan ayaa dhacday goor dhowayd oo ku beegnayd 3pm, iyadoo muuqaallada laga arki karo gurmadka booliiska iyo bukaan la roorta oo dhooban bannaanka kaniisadda.

Waxaa sidoo kale dhanka kale ku taalla kaniisad 2-aad, iyadoo ay kaniisadaha middood agteeda ay duugtu ka socotey. Weli lama garan haybta qofka eelkan ka dambeeya.

Hadalsame Media