Dadwaynaha Muqdisho oo su’aal waaqici ah ka keenay qaraxyada kaamirooyinka amaanka?

0

(Muqdisho) 30 Jan 2020 – Waxaa saaka Muqdisho kusoo kallahay qaraxyo subixii hore ka dhacay jid aad loo ilaaliyo amaankiisa, kaasoo ah Maka Al Mukarama.

Wararku waxay sheegayaan in qaraxyo lagu xirey qaar kamid ah kaamirooyinka amaanka ee CCTV ee ku xirnaa wadada Maka Al-Mukarama.

Qaraxyadan ayaa markii hore loo maleeynayay inay yihiin hoobiyeyaal loo wadey Madaxtooyada Qaranka, balse waxaa la ogaadey in lagu bartilmaameedsanayey kaamirooyinkan.

DADKA OO SU’AASHAN IS WAYDIINAYA?

Maadaama ay qaraxyadani ka dhacaan meel aad loo ilaaliyo oo weliba aad ugu dhow Saldhig Booliis iyo isbaaro amaan oo lagu koontoroolo baabuurta, waxay is waydiinayaan sababta halkaa loogu xiri karo ilaa 4 qarax oo sida muuqata si deggan loo dhig dhigay.

Waxaa kale oo ay is waydiinayaan ama sugayaan in la helo xogihii ay kaamarooyinkani qabteen sida dadkii qaraxyada ku xirayey, maadaama ay kaamarooyinku leeyihiin database kaydiya muuqaallada ay qabtaan oo toos ah.

Hadalsame Media