Dalalka Shiinaha & Hindiya oo wacdaro ka dhigi doona dhaqaalaha adduunka, Yurub oo loo dayriyay & Maraykanka oo booska 1-aad waayi doona!

0

(Tokyo) 27 Jan 2020 – Suuqyada Shiinaha iyo Hindiya ayaa kaligood saami dhan 35% ka ah wax soo saarka qaamu raamka ah ee caalamka la wareegaya marka la gaaro 20260, sida ay qabto hay’adda Daraasaadka Dhaqaalaha ee Japan Center for Economic Research.

Hay’addan Tokyo saldhigata ayaa sheegtay in Shiinuhu uu kaligii qaadan doono saami dhan 20%, halka ay Hindiya heli doonto 16%, iyagoo sanadkii tegey ee 2019 kala haystey 17% iyo 4% sida ay u kala horreeyaan.

Shiinaha ayaa loo saadaaliyay inuu kaalinta 2-aad ee dhaqaalaha adduunka sii haysan doono ilaa 2030 oo uu kaalinta 1-aad kala baxayo Maraykanka.

Hindiya iyadu waxay noqon doontaa dhaqaalaha 3-aad ee caalamka ugu ballaaran wixii loo gaaro 2060, markaasoo la saadaalinayo inuu Shiinuhu 2-aad kusoo noqon doono, marka uu Maraykanku markale kala boxo booska 1-aad.

Dhanka kale, isu gaynta saamiga dhaqaale ee Maraykanka iyo Yurub oo sanadkii tegey ee 2019 50% kaligood caalamka ka haystey ayaa kusoo ururi doona 38% marka la gaaro 2060-ka.

Dalalka Yurub ayaa hoos u dhacaya iyadoo uu GDP-goodu noqon doono mid in yar uun ka sarreeya Hindiya sanadda 2026-ka.

Hadalsame Media