TAHLIIL HALLOO TUFO: Muqdisho oo QUR’AAN saar lagu bilaabay! (Imisa Degmo ayaa lagu akhrin doonaa?)

0

(Muqdisho) 22 Jan 2020 – Magaalada Muqdisho ayaa waxaa todobaadkii 2-aad ka soconaya Qur’aan akhris loogu ducaynayo magaalada Muqdisho oo muddo 30 sano qarka u saaran qaaquullo ka bixi la’.

Qur’aan akhriskan oo lagu bilaabay Degmada Kaaraan ayaa todobaadkan lagu akhriyey Degmada Xamar Jabjab.

”Shacab ahaan, doorkeennu ma inaan guryeheenna iyo reeheenna kaliya u xamaalanno miyaa mise inaan dalkeenna u fikirnana mas’uuliyad baa naga saaran.” ayuu is waydiiyay mid ah qaari’iinta Qur’aanka.

Wadaadada Qur’aanka akhrinaya oo 114-ka suuradood muddo saacad ah ku qaybay ayaa sheegay inay la yaab tahay in dadku aysan xitaa ku baraarugsanayd qaayada ay gaarsiisan tahay dhibaatada haysata shacabka magaalada.

Liibaan Taakoow Xuseen oo ka mid ah dhallinyarada Qur’aankan akhrinaysa fikraddana isagu lahaa ayaa sheegay in marka uu qof jirrado la yiraahdo ”Qur’aan halla saaro” si taa la mid ahna ay ”Muqdisho jirran tahay”, sida uu u sheegay Idaacadda Kulmiye.

Wuxuu intaa raaciyey in Qur’aan akhriskan oo Jimcaha lagu beego, ay ku wada qaban doonaan dhamaanba 17-ka Degmo ee uu ka kooban yahay Gobolka Banaadir, si magaalada loogu durraamo oo Alle looga baryo inuu sharta ka xijaabo.

Dhallinyaradan ayaa sheegay inay fikaraddani ku dhalatay kaddib markii uu dhacay qaraxii Koontoroolkii hore ee Afgooye, kaasoo ay ku baabe’een dad badan oo rayid ah oo ay arday iyo musaafir ku jireen.

Dhallinyarada gobollada ayay sidoo kale tillaabadan oo kale ugu baaqeen.

Hadalsame Media