XFD oo shafka u garaacday sugitaanka amaanka shaqaalaha dhisaya jidka Muqdisho-Afgooye (Kulan dhacay)

0

(Muqdisho) 20 Jan 2020 – Waxaa woxoogaa maalmahan soo baxayey gunuunuc ka imanayey shirkadda dhisaysa jidka u dhexeeya Muqdisho iyo Afgooye oo ugu yaraan laba mar isu dhow lagu beegsaday injinneerrada Turkiga.

Raysul Wasaaraha Somalia, Xasan Cali Kheyre, ayaa iminka kulan la qaatay maamulaha shirkada Enez oo ah midda dhiseysa wadada isku rirta Muqdisho iyo Afgooye.

RW Khayrre oo ku hadlaya magaca Xukuumadda Federaalka ah ee Somalia, ayaa ballan qaaday in ay si buuxda u qaadayaan masuuliyadda amaanka shaqaalaha ka ku howllan dhismaha waddada Muqdisho iyo Afgooye.

Waddadan ayaa muhim u ah isku xirka gobollada koonfureed ee dalka iyo caasimadda, waxay sidoo kale halboowle u tahay khudaarta iyo caanaha ka timaada wixii koonfur ka xiga Muqdisho.

DF Somalia ayaa aad loogu dhaliilay inaysan xil dheeraad ah iska saarin arrintan, iyadoo aanu jirin tillaabooyin cusub oo dhanka amaanka ah oo la qaaday.

Hadalsame Media