XOG: Turkiga oo hakiyey dhismaha jidka Xamar-Afgooye (DF oo hal arrin ku fashilantay)

0

(Afgooye) 19 Jan 2020 – Warar aannu Muqdisho ka heleeyno oo aynaan weli xaqiijin karin ayaa sheegaya in shaqaalihii Turkigu ay hakiyeen dhismihii ay ka wadeen jidka isku xira Xamar iyo Afgooye.

Turkiga oo ka xumaaday habacsanaanta amaanka ayaa lagu warramayaa in ay soo rarteen qalabkii ay ku dhisayeen jidka Afgooye, iyaga oo bilaabey in ay halkaa ka soo guuraan kaddib markii laba jeer dhibaato lagu gaarsiiyey.

Shaqaalaha Soomaalida ee dhismaha wax ka wada ayaa sheegey in Turkiga iyo qalabkoodu ay kaliya dib ugu laaban doonaan shaqada marka la helo isbedel dhinaca Amniga ah oo wax ku ool ah.

DF Somalia ayaa u muuqata mid aan wax tillaabo ah ka qaadin amaanka, iyada oo ay dad badani aad ugu dhaliileen inay guddi u saareen xuska xaflad ay 6 bilood ka harsan tahay.

Hadalsame Media