DAAWO: ”Waa jecel nahay Sucuudiga, cadowna kuma nihin!” – Weriye Yuhuudi ah oo ku sugan dhulka Falastiin laga haysto!

0

(Qudus) 19 Jan 2020 – Waxaa sanadihii yaraa ee dambe shaac ahaa xiriirka aan horay loo sheegi jirin ee ka dhexeeya dowladda Yuhuudda iyo xukaamta kali taliska ah ee Khaliijka.

Xiriirkan oo aan heer diblomaasi gaarsiisnayn marka laga reebo dalka Qadar, ayaa sida la ogaadey ahaa mid istikhbaari ahaa oo dhanka sirdoonka u badnaa, balse iminka dalal badan ayaa la bareeraya in xiriirka toos laga dhigo, iyadoo ay dheceen kulamo dhowr ah oo dhex maray Israel iyo Sucuudiga, Imaaraadka iwm.

Muuqaalkan waxaa ka muuqda nin Israeli ah oo weliba ku sugan dhulalka ay Yuhuuddu xoogga uga haysato ama ku xukunto ee reer Falastiin, isagoo weliba walfinaya calanka ay Shahaadadu ku qoran tahay ee Sucuudiga.

Ninkan oo weriye sheegtay ayaa ku qaylinaya: ”Ma nihin cadowga Sucuudiyiinta, waxaan jecel nahay inay Israel usoo dalxiisaan, iyo inaan annaguna Sucuudiga booqanno, fadlan soo dhowaada iwm.”

Halkan ka daawo

Hadalsame Media