Bankiga Adduunka oo markii ugu horreeysey si rasmi ah uga hadlay mashruuca muranka dhaliyay & ujeedkiisa

0

(Nairobi) 19 Jan 2020 – Bankiga Adduunka ayaa ansixiyey mashruuc ay ku baxayso $112 milyan oo doollar oo loogu tala galay kaabayaasha magaalooyin ka tirsan Somalia iyo xoojinta mugga dowladaha hoose.

Mashruucan oo la yiraahdo Mashruuca Adkaysiga iyo Magaalaynta Somalia (SURP) II ayaa la sheegay in loo qoondeeyay magaalooyinka Muqdisho, Garoowe, Kismaayo iyo Baydhaba, halka sidoo kale loo gogol xaarayo ballaarinta caasimadaha Galmudug iyo Hirshabeelle, sida ku qoran warka Bankiga Adduunka.

“Mashruucan SURP waxaa looga gol leeyahay inay dowladaha hoose door muuqda ka qaataan adeeg gaarsiinta bulshada,” ayuu yiri Maareeyaha Bankiga Adduunka ee Somalia, Hugh Riddell.

Lacagta mashruucan ayaa ka kala imanaysa IDA oo bixinaysa $50 milyan oo doollar, iyo $62 milyan oo ay ku qaaraamayaan Multi-Partner Fund (SMPF).

Ujeedku waa in adeeg la siiyo dadka ku nool magaalooyinka ballaaranaya ee Somalia oo la daalaa dhacaya inay wax adeeg ah oo micne leh bixiyaan, iyadoo uu mashruucani ka saacidayo in dadka la siiyo adeegyada muhiimadda koowaad la siiyey.

“Waxaan aqoonsan nahay in magaalayntu ay muhim u tahay horumarka haddii si wanaagsan loo maareeyana waxay dadka ka saari kartaa faqriga iyadoo noqon karta matoor kobciya dadka Somalia,” ayuu yiri Marius Rauh.

Mashruucan ayaa muran dhaliyey, iyadoo uu RW Khayrre sheegay inuu hakiyey oo dib u eegis lagu samayn doono.

Hadalsame Media