DF Somalia oo qaadday laba tillaabo ay dad badani ka xumaadeen!

0

(Hadalsame) 18 Jan 2020 – Waxaa taagan muran ka dhashay qaabka ay Wasaaradaha Maaliyadda & Howlaha Guud u maamuleen mashruuc lagu hormarinayo magaalooyin ka mid ah dalka.

Mashruucan oo la sheegay inay waddo Wasaaradda Howlaha Guud, ayaa ku kacaya 112 milyan oo doollar, waxaana la sheegay in lagu dhisayo magaalooyinka Muqdisho, Kismaayo, Baydhaba iyo Garoowe.

Waxaa kale oo aan qoraalka lagu faafiyey warbaahinta DF lagu xusin halka ay lacagtani ka timid, iyadoo inta badan la sheego haddii ay deeq tahay, taasoo ay dad badani u fahmeen inay ka baxayso khasnadda DF Somalia, iyadoo ay DF canshuurto hal magaalo oo qura.

Dadka ayaa is waydiiyey sababta xisaabta ka saartay magaalooyin badan oo horumarintan iyo kaabayaal dhisidda xitaa uga dambeeya kuwa la sheegay sida Jowhar, Buulo Xaawo, Dhuusamareeb, Beledwayne, Baardheere iwm.

Waxaa kasii daran arrin kale oo ku saabsan in ay DF waqti xaadirkan sheegtay inay guddi u saartay qaban qaabada munaasabad ay iminka ka harsan tahay 6-bilood ku dhowaad.

Munaasabaddaas oo ah ”Maalmaha Xorriyadda” oo ay dad badani qabaan in xus intaan la gaarin loo baahan yahay in lagu mashquulo sidii dalku u xoroobi lahaa amaankana wax looga qaban lahaa xilli ay dad badani ku le’deen qaraxii 28-kii Diseembar isla markaana aan wax micne lihi kasoo bixin DF, ayay ku filan tahay in haddiiba aan la huraynin la agaasimo marka ay bil ka harsan tahay.

Hadalsame Media