DF Somalia oo markii ugu horreeysey ka hadashay halka ay ka heshay mashruuca muranka dhaliyey

0

(Muqdisho) 18 Jan 2020 – DF Somalia ayaa markii ugu horreeysey ka hadashay halka ay ka heshay mashruuc ku kacaya 112 milyan oo doollar oo muran dhaliyey, kaas oo la sheegay in lagu hormarinayo caasimadaha Maamul-goboleedyada.

Wasiirka Maaliyadda DF, Dr Cabdiraxmaan Bayle, ayaa yiri: ”Waxaan maanta saxiixnay aniga iyo G/Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, wajiga 1aad Mashruuc lagu hormarinayo Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho iyo qaar kamid ah caasimdaha Dowlad-Goboleedyada.”

Wasiirka ayaa isagoo farta ku fiiqaya halka ay DF lacagahan ka heshay wuxuu yiri: ”Mashruucaan ayaa dibu-dhis loogu sameyn doonaa Wadooyinka muhiimka ah ee Caasimadda, sidoo kale mashruucaan waxaa noo sahlay in aan helno dadaaladii wanaagsanaa ee aan u galnay arimaha deyn cafinta.”

Mashruucan ayaa waxaa maalgelinaya Bankiga Adduunka oo bixinaya lacagtan.

DF ayaan wejiga hore ku wada darin caasimadaha gobollada, sababtana weli lama sheegin oo wax faahfaahin ah lagama bixin.

Hadalsame Media