Tartanka Champions League oo markale wax laga bedelayo qaab-socodkiisa (Sidee loo bedelayaa?)

0

(Nyon) 17 Jan 2020 – Tartanka Champions League ayaa isbedel lagu samaynayaa markale, wixii loo gaaro fasal-ciyaareedka 2024, sida ku dhigan The Times.

Tartanka heerka kooxeed ee dunida ugu wayn ayaa markale la kacaaminayaa, iyadoo wax laga bedelayo qaabka wareegga 1-aad ama guruubyada.

Aragtiyaha miiska saarani waxay iskugu jiraan in la kordhiyo kulamada heerka guruubyada, waloow ay arrintan UEFA ku khilaafsan tahay Jamciyadda Kooxaha Yurub ee ECA.

Yeelkeede, UEFA ayaa doonaysa in lakala doorto 8 guruub oo min 6 kooxood ah, taasoo ka duwan qaabka iminka oo ah 8 guruub oo min 4 kooxood ah.

Waxaa kale oo laga baaraan degey in taa biddaalkeeda la sameeyo guruub 2-aad, tusaale ahaan, waxaa kooxaha usoo gudba wareegga 8-dhamaadka loo qaybinayaa laba guruub oo min 4 ah, iyadoo ay min laba kooxi usoo gudbayaan wareegga nus-dhamaadka, kaddib marka ay is wada arkaan.

Isbedelladan ayaa haddii la isku raaco dhaqan geli doona oo qura marka la gaaro 2024-ka.

Hadalsame Media