Marxaladda 4-aad ee deyn-cafinta Soomaaliya oo ka furmay dalka Ethiopia

0

(Addib Ababa) 07 Jan 2020 – Shirka dib-u-eegista 2aad ee SMP4 oo ah marxaladda 4-aad ee deyn cafinta Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia, sida ay sheegtay warbaahinta DF.

Shirkan waxaa dhanka dowladda Soomaaliya uga qeyb galay Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, waxaana inta uu socdo lagu gorfeyn doonaa waxyaabaha u qabsoomay Wasaaradda Maaliyadda sanadkii tegay iyo waxyaabaha ay hiigsanayaan sanadkan cusub ee aynu ku guda jirno.

“Inta uu socdo shirkaan u dhexeeya Dowladda Soomaaliya iyo Hey’adaha kala ah IMF & Bangiga Aduunka ayaan ku eegi doonnaa wixii innoo qabsoomay 2019-kii, wixii caqabado ah ee aan la kulannay iyo waxa aan hiigsaneynno sannadkan 2020-ka” ayuu yiri Wasiir Beyle.

Wasiirka ayaa xusay in gabagabada shirka laga rajeeynayo in ay ka soo baxaan natiijo wax ku ool ah, ummadduna ay ku wada qanacdo.

Hadalsame Media