”Iiraan & dalalka Khaliijka waxaa kasoo baxay xaqii dalalka Muslimka” (Waa maxay?)

0

(Hadalsame) 05 Jan 2020 – Waxaa maalin dhowayd la toogtey Jeneraal aad muhim ugu ahaa ciidamada Ilaalada Jamhuuriga ee Iiraan, kaasoo sidoo kale ahaa Taliyaha qaybta aadka u tababaran ee Qudus.

Qaasim Sulaymaani ayaa Iiraan ku metelayay dagaallo wakaaladeed oo fara badan, kuwaasoo ay ka riddey dalal badan oo Muslim ah.

Waxaa sidoo kale dagaallada noocaas ah adeegsada Carabta, gaar ahaan kuwa Khaliijka oo muddo dheer ku eedaysan inay dhiseen oo tabantaabeen kooxaha argagixisada ah ee iminka jilbaha dhulka u dhigay dunida Muslimka, iyadoo aan la aqoonin waxa ay ka macaashayaan dagaal mindhicireedyada ay wadaan.

Faarax Macallin ayaa tweet digasho ah ku karbaashey Iiraan iyo dalalka Khaliijka, isagoo soo qoray:

”Dalalka Khaliijka iyo Iiraan waxay bilaabayaan inay dhadhamiyaan sambalka dawadii ay iyagu qoreen. 20 sano ayay iyaga oo reer Galbeedka kaashanaya waxay dab ku dhejiyeen dal kasta oo Muslim ah oo ay gacantoodu gaarto.”

”Markii ay argagixisadii foowdaawiga ahayd ay iyaga kusoo jeesteen, dhibanayaashii ay dhibayeen waa dabbaal degi karaan.” ayuu raaciyay.

Iiraan ayaa taageerta Xisbullaah, Xamaas, Islamic Jihaad, Xuutiyiinta iyo daraasin malliishiyaad ah oo ka dagaallama min Yaman, Suuriya ilaa Ciraaq, kuwaasoo ay u adeegsato dano istaraatiji ah oo ay leedahay, halka dalalka Khaliijka lagu eedeeyo inay taageeraan kooxaha Sunniga ah ee kharbudaadda wada.

Hadalsame Media