Burcad danabeed Iiraani ah oo jabsaday web ay leedahay DF Maraykanka (Waxyaabo yaab leh oo lagu daabacay)

0

(Washington, DC) 05 Jan 2020 – Burcad danabeed (Hackers) sheegatay inay reer Iiraan tahay ayaa gacanta ku dhigtay website ay leedahay DF Maraykanka.

claiming to be from Iran have taken control of an official American government site.

Webkan oo ay leedahay Maktabadda Maraykanka ayaa markii la jabsaday waxaa lasoo dhigay sawirrada MW Trump oo afka dhiig ku leh, iyadoo lagu qoray ”Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan.”

Waxaa sawirka Donald Trump sidoo kale laga sameeyay sawir wejiga feer lagala dhacayo iyo ”Iiraan ayaa koow ah.”

Waxaa hoos lagu sii qoray ‘Waxaa jabsaday waaxda arrimaha internet-ka amaanka ee Iiraan’, balse DF Maraykanka ayaa ku doodaysa inaan ”la xaqiijin karin warkaasi.”

Hadalsame Media