”Fadlan hanna duqaynin!” – Maraykanka oo ballan qaadyo dhowr ah u sameeyay Iiraan haddii ay aqbasho in…..(Daawo)

0

(Tehraan) 04 Jan 2020 – Maraykanka ayaa la sheegay inuu Iiraan ugu yaboohay inuu cunaqabataynta ka qaadayo, gargaarna usoo dirayo haddii ay ogolaato inaysan ku qaadin weerar aarsi ah, kaddib dilkii Qassem Soleimani.

“Sida nalaku soo wargeliyey, waxaa jirta farriin loosoo dhiibey dal Carbeed oo Iiraan looga codsaday inaysan jawaab ka bixinin dembigii laga galay,” ayuu yiri Amir al-Moussawi.

“Waxaa farriinta waxyaabaha ku qoran ka mid ah inuu Maraykanku cunaqabataynta qaadayo isla markaana bixinayo damaanaad dhaqaale,” ayuu raaciyey al-Moussawi.

“Ma qabo in ballanqaadkan ay ku yalmi doonto Iiraan, maxaa yeelay ballanqaadyada Maraykanku inta badan waa been, waxayna ku dejinayaan carada Iiraan,” ayuu daba dhigay diblomaasigu.

Dilkii Soleimani ayaa kiciyey dareenka dad badan, waxaana laga cabsi qabaa inuu dagaal furani ka bilowdo gobolka Bariga Dhexe.

Hadalsame Media