SAWIRRO: Arrin caqabad ahayd oo laga heshiiyay (Beesha Dhuusamareeb oo tanaansul samaysay)

0

(Dhuusamareeb) 01 Jan 2020 – Waxaa heshiis laga gaarey arrin aad u dhib badnayd oo ay adkayd in laga gudbo, marka ay noqoto dhismaha Maamulka Galmudug, taasoo ku aaddan xubno ka mid noqonaya Baarlamanka Galmudug oo ay soo xulatay ASWJ oo ay ka biyo diideen inta badan beelaha maamulka Galmudug.

Waxaa la isku hayey qaabka xildhibaannada ay soo magacowday kooxdani ay u waafaqayso qoodada iyo qaab-qaybsiga beelaha.

Yeelkeede, arrintaasi iminka xal ayaa laga gaarey, kaddib markii ay beesha Dhuusamareeb u tanaasushey ASWJ oo loo daayay inay iyadu soo xusho 5 ka mid ah 6-da xildhibaan ee beeshaasi, sida ay sheegayaan wararka ka imanaya Dhuusamareeb.

Waxaa heshiiskaasi lagu gaarey kulan galabta dhex maray RW Xasan Cali Khayrre iyo dad metelayay beesha Dhuusamareeb oo iskugu jirey qaar ku jira dowladda iyo oday dhaqameedyo ka kala yimid Dhuusamareeb, Guriceel iyo Matabaan.

Mahad Salaad oo ka tirsan Baarlamanka Dhexe ee Federaalka ayaa soo qoray: ”Waxaa is afgarad ku soo dhamaaday kulan galabta ku dhex maray magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Dowlad Goboleedka Galmudug Ra’iisul Wasaaraha XFS, Wasiirka Arimaha Gudaha, Xildhibaanada labada Gole Barlamaanka Federaalka ku metala deegaanadaan iyo Odoyaasha Dhaqanka degmooyinka Dhuusamareeb, Guriceel iyo Matabaan.

”Waxaan halkaan uga mahadcelinayaa Ra’iisul Wasaaraha, Wasiirka Arimaha Gudaha, Xildhibaanada iyo Odoyaasha Dhaqanka oo si xilkasnimo leh isaga xilsaaray in meesha laga saaro madmadow ka dhashay xulista Xildhibaanada Galmudug.” ayuu daba dhigay.

Lama hubo in khilaafaadka silsiladda ah ee hor taagnaa maamul dhisidda Galmudug ay intan ku hari doonto, iyo in horay loo socon doono ugu dambayn.

Hadalsame Media