Maraykanka oo samaysanaya DAROONNO Ayaxa la eg oo iyagoo raxan ah kusoo weeraraya!

0

(Washington, DC) 01 Jan 2019 – Pentagon ayaa qorsheeynaya inuu sameeyo daroonno aad u yar yar oo ku shaqeeya waxa loo yaqaanno ”Caqliga Macmalka ah (AI), kuwaasoo awooda inay gartaan isla markaana raadiyaan bartilmaameedka si ay u badbaadiyaan, balse sidoo kale loo adeegsan karo inay raadiyaan isla markaana burburiyaan.

Xarunta Joint Artificial Intelligence Center (JAIC) ayaa dhamaadkii bishii tagtay ee Diseembar waxay codsi u dirtay shirkadaha ugu fara dhuudhuuban labada farsamo ee daroonka is wada iyo Caqliga Macmalka ah, si labadooda farsamo la iskugu lamaaniyo.

Daroonnadan oo la eg xasharaadka yar yar sida Ayaxa, isla markaana loo yaqaanno ”Raxanta Caqliga leh”, ayaa waxaa lagu barnaamijaynayaa inay is hagaan, isla markaana ay bar gartaan oo beegsadaan dadka iyo ”walxaha dad sameega ah” sida ay cayintay RFI.

Raxantan oo iskeed u socota ayaa xarun dhexe usoo diraysa muuqaallo toos ah oo muujinaya waxa ay ku fooggan tahay.

Marka ay arkaan wax xiise leh, waxay awood u leeyihiin inay jaraan masaafo dhan 50 knots dhanka badda ama 93 km/saacaddii dhanka dhulka, isla markaana ay cirka ku jiraan ugu yaraan 2 saacadood oo xiriir ah, iyagoo guud ahaan isu mari kara dhul dhan 100 nautical mayl ama 343 km oo jibbaaran.

Hadalsame Media