Hay’adda IMF oo meel marisay qorshe maaliyadeed u gogol xaaraya qaan-dhaafista Somalia

0

(Washington, DC) 19 Dis 2019 – Guddiga Fulinta ee Hay’adda Lacagayowga Dunida ee IMF ayaa shaacisay in ay meel mariyeen qorshe maaliyadeed cusub Somalia ka caawin kara in loo dhaafo ama laga khafiifiyo qaamaha ay bixin la’dahay.

Agaasimaha Maaraynta IMF, Kristalina Georgieva ayaa shalay ku dhawaaqday in qorshe maaliyadeedkan cusub ay ku jiraan kuwo laga helayo dalalka xubnaha ka ah hay’adda iyo qaar ay iyadu bixinayso, sida ay faafisay Reuters.

Waxay intaa raacisay in lacagahaa loo adeegsan doono sidii loo masixi lahaa qaamaha lagu leeyahay qaranka Soomaaliyeed.

“Tani waa tillaabo wax ku ool ah oo Somalia ka caawinaysa in qaamaha laga debciyo iyadoo la raacayo mubaadarada kaalmaynta dal aad u qaamaysan misna faqri ah (HIPC),” ayay tiri Georgieva.

Waxay sheegtay inuu go’aankani hirgelayo isla marka ay dalalka xubnaha ihi bixiyaan qaaraankooda, isla xilli ay Somalia sii amba qaadayso dhaqan gelinta dib u habaynta dhaqaale ee socota, waloow aysan waqti cayimin.

Somalia ayaa lagu leeyahay qaamo u dhexeeya $4-5 bilyan oo doollar, taasoo 100% u dhiganta guud ahaanba wax soo saarka dalkaasi (GDP), sidaa darteedna la micne ah inaysan Somalia bixin karin.

Hadalsame Media