Arap Moi oo cimri dhererkiisa u sababeeyay yaraynta hal arrin oo haweenka la xiriirta iska dhaafideed!

0

(Nairobi) 18 Dis 2019 – Daniel Arap Moi oo Kenya Madaxwayne ka noqday  1978-kii ayaa gacan bir ah ku xukumi jirey Kenya, tiiyoo ay jirto inuusan weligii siyaasad Jaamacad ka baranin, balse lagu tilmaami jirey ”profesor of politics”.

Yeelkeede, Daniel Arap Moi ayaa haatan 94-jir ah wuxuuna ka hadlay sirta ka dambeeysa cimrigiisa dheer, sida ay isaga la tahay.

Wuxuu aaminsan yahay in ay qayb ahaan ugu wacan tahay inuusan sidaa ugu fara dhuudhuubnaan jirin dhanka haweenka, isagoo taa bidaalkeeda xilliyada fasaxa waqti badan ku qaadan jirey isagoo turub iskaga ciyaaraya barandada guri uu ku leeyahay Kabarak.

Moi oo dhasay sanado yar kaddib Dagaalkii 1-aad ee Adduunka ayaa yiri: ”Waxaan inta badan waqtigayga ku qaadan jirey si aan u helo hawo cusub, anigoo mararka qaar eeyeheeyga kula ciyaaraya barxadda gurigayga bedelkii dumarka. Waxaan nebcahay buuqa, waana sababta aan u doorbidi jirey inaan kaligeey joogo.”

Hadalsame Media