CASHAR: ”Ma ixtiraamo madaxda Carabta!” – Jimmy Carter oo sharraxay sababta

0

(Hadalsame) 10 Dis 2019 – Madaxwayne Jimmy Carter oo soo xukumay Maraykanka tan iyo 1977–1981-kii ayaa ka dhawaajiyay arrin mudan in laga baaraan dego, gaar ahaan dadka niyad ahaan iyo mabda’ ahaan jecel inay dad kale u qaddaameeyaan ama u daba dhilifeeyaan, iyagoo khiyaanaya qarankooda iyo umaddooda.

Wuxuu yiri: ”Ma ixtiraamayo hoggaamiyaasha Carabta maxaa yeelay waxay ka fikiraan danahooda shaqsiga ah, waxay ku qeyliyaan magaca Falastiin si ay bulshada u maaweeliyaan, waxay ka hadlaan qaddiyadda Falastiin.

”Waxaan arkay damiirkooda oo aan meel sare joogin sababtoo ah waqtigii aan madaxweynaha Mareykanka ahaa waxaan qaabilay oo aan la fadhiistay cadad aad u badan oo madaxda Carabta ah.

”Marnaba ma arkin qof si gaar ah igala doodo dhibaatooyinka ka aloolsan Falastiin ama igu furo malaf ka dhan ah tacadiga dowladda Israa’iil ay ku hayso shacabka reer Falastiin.”

Sidaas waxaa yiri Madaxweynahii hore ee Mareykanka Jimmy Carter.

Waxaa Diyaariyay: Cabdullaahi Colombo

Hadalsame Media