Arrin muujinaysa inay shacbigu koreen, balse aysan kobcin kartida siyaasigu

0

(Hadalsame) 04 Dis 2019 – Waa muuqataa inuu kobcay caqliga dadka Somaaliyeed ee ganacsiga, isku-tashiga, iskaashiga iyo adkeysiga. Arinkaas wuxuu ka muuqdaa bulshada oo muddo 30 sano ku dhawaad maareysay nolosha.

Waxaa kale oo muuqata in caqliga Somaaliyeed uusan kobcin marka la dhisaayo dowlad. Tusaale waxaa ka ah in 20 sano lagu celceliyay nidaam beeleed iyo xulitaan aan shaqayneyn.

Waxaa gabi-ahaanba meesha ka maqan muwaadinnimo iyo usinaanshaha xuquuqda iyo waajibaadka!. Waxaa sidoo kale maqan uhogaansamidda qaanuunka!

Dhanka kale, waxaa maqan in muwaadiniintu doortaan wakiilladooda iyo madaxdooda si xor ah oo xalaal ah. Muwaadinnimo, sareynta sharciga iyo doorasho dadweyne ayaa ah waddada dowladnimada.

Nasiib daro, caqliga iyo dhaqanka siyaasiyiinta Somaaliyeed wax badan iskama bedelin laga soo bilaabo 1956. Dhaqankaas wuxuu soo dumiyay dowladda 1991; wuxuuna hadda caqabad ku yahay in dowladnimadu hana qaado. Hadaba, ma sheegi kartaa dhaqankaas?

Waxaa Qoray: Dr Cabdullaahi Cabdiraxmaan Baadiyoow

Hadalsame Media