Somalia oo dib u bilowday dhoofinta muuska ee suuqyada caalamka (Laba dal oo maanta loo dhoofiyey)

0

(Muqdisho) 27 Nof 2019 – Suuqyadii caalamiga ahaa ee dalabyada Muuska Soomaaliyeed oo dib u soo laabtay, waxaana maanta Soomaaliya ay Muus u dhoofisay Sucuudiga. Waxaa kaloo iyana xiga oo loo dhoofinayaa Turkiga.

Mooskan oo ah mid tayo wanaagsan oo dabaqadda 1-aad ah (class one), isla markaana ay soo saareen beeraleyda Soomaaliyeed ayaa maanta laga dhoofiyay Dekadda Muqdisho iyadoo loo iib geeyay wadamada Sucuudiga iyo Turkiga.

Wasaarada Beeraha ee Soomaaliya ayaa sheegtay in ay tahay markii ugu horreeysay oo moos dalka dibadiisa loo iibgeeyo mudo shan sanadood ah.

Wax soo saarka muuska oo dhaqaalaha Soomaaliya kaalin muhiim ah kaga jiray burburkii kahor ayaa loo arkaa tillaabo wanaagsan oo dhaqaalaha kobcineysa isla markaana shaqo abuureysa.

Waxaa Diyaariyay: Maxamed Dhoorre

Hadalsame Media