Arrin aan la jeclaysanin oo kusoo korodhay magaalo ku taalla bartamaha Somalia

0

(Hadalsame) 24 Nof 2019 – Dalka Somalia caadiyan waa ka mamnuuc in lagu iibiyo, isticmaalo ama lasoo geliyo waxyaabaha maanka dooriya sida khamriga, calaqa, xashiishka iyo daroogooyinka kale, waloow nasiib darro Jaadku fasaxan yahay.

Yeelkeede, waxaa beryahan soo badanaya in dalka lasoo geliyo walxaha aannu sare ku xusnay, iyadoo ay jiraan shabakado ganacsi oo mararka qaar xiriir la leh saraakiisha jooga kastamada qaar, meelaha qaarna maba laha kastamo lagu koontoroolo waxa dalka soo gelaya.

Meelaha laga dareemayo kororka khamriga, calaqa iwm waxaa ka mid ah magaalada Gaalkacyo oo ay sidoo kale ka dhacaan dembiyo ay dadku la yaabeen, waloow ay beryahan roonayd.

”Khamrada soo galaysa magaalada Gaalkacyo ayaa sii kordhaysa, taasi waxaa muujinaya dhalooyinka laga cabay ee wadooyinka yaalla iyo falalka xun xun ee dhacaya.” ayuu yiri weriye Siciid Nadaara oo ka mid saxafiyiinta ku dhaqan Gaalkacyo oo soo bandhigay sawirka dhalooyin Khamri ah oo jidka yaalla.

Arrintan ayay dadka degaanku walaac ka muujinayaan, iyagoo maamullada ugu baaqay inay tillaabo ka qaadaan.

Hadalsame Media