Muuse Biixi 4 sanadood kahor ayuu soo jeediyay in xabsiga la dhigo CIRRO oo weliba xilligaa xilal badan hayey!!

0

(Hargaysa) 18 Nof 2019 – Muuse Biixi Cabdi ayaa caawa qarka u saaran inuu xabsiga dhigo gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo mudaharaad ugu baaqay taageerayaashiisa.

Muuse Biixi oo caawa xabsiga ku guray masuuliyiin sarsare oo ka tirsan xisbiga mucaaridka ah ee Waddani isla markaana qaar kale ku daba jira ayaa haatan u muuqda mid helay fursad uu maruun ku doonayey inuu xabsiga ku dhigo gudoomiye cirro oo si adag uga soo horjeeda.

Image result for muuse biixi iyo cirro

 

Muuse Biixi oo wakhti hore-na xukuumadii Axmed Siilaanyo kula taliyey sanadkii 2015 in xabsiga la dhigo gudoomiye Cirro ka dib markii xisbigiisu ku baaqay mudaharaad salmi ah oo ay kaga soo horjeedaan qaladaad xukuumadu ku kacday ayaa caawa qarka u saaran inuu xidho gudoomiye Cirro isaga oo ugaadhsina ku haya masuuliyiin xilal sare ka haya xisbiga Waddani halka uu qaar kalana xabsiga wakhti horeba ku hubsaday.

Hogaamiyaha xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji oo goob joog ka ahaa shirkii uu Muuse Biixi kaga taliyey in xabsiga la dhigo gudoomiye Cirro ayaa buugiisa Miyiga ilaa madaxtooyada ku xusay sidan:-

“Waxay ahayd horraantii sannadkii 2015 markii goor habeennimo ah aannu shir isugu nimi madaxweynaha, Wasiirkii Arrimaha Gudaha ee xilligaa Warancadde, Wasiirkii Arrimaha Dibadda ee xilligaa, Wasiirkii Gaashaandhigga ee xilligaa Cadami, Guddoomiyahii Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, iyo dhammaan taliyayaasha ciidamada kala duwan.

Waxaa laga arrinsanayay muddaharaad ay ku dhawaaqeen xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, oo la soo tebiyay in rebshado weheliyaan.

Waxaa la falanqeeyey sidiiarrintaa looga hortegi lahaa oo qofba dhinac iska taagay. Waxaa ka mid ahaa aragtiyaha iga yaabiyey, guddoomiye Muuse oo yidhi: “Hadal uun baa ka danbayn e, aan guddoomiye Cirro soo xidhno!” Xilligaa Cabdiraxmaan wuxuu isku hayey Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Guddoomiyaha Xisbiga Waddani.

Waa la kala aamusay, cidi kuma raacin, waxaana aakhirkii arrintii loo xalilay si dhib yar. Garan maayo in ay ka ahayd ku xumayn iyo in ay ka ahayd ra’yi uu wax ku xallilayo.

Dhacdooyinka siyaasadda ee xilliyadii mucaaradka iyo muxaafidku way badnaayeen.

Xigasho: Hadhwanaagnews.com/Office, Hargeysa

Hadalsame Media