AC Milan oo markale lala xiriirinayo bilyaneer Faransiis ah (Imisa ayaa lagu doonayaa?)

0

(Paris) 16 Nof 2019 – Waloow ay dhowr mar oo hore dafireen misna waxaa isa soo taraya warar ay iminka wargaysyo badani qorayaan oo sheegaya in hay’adda Arnault ay doonayso inay AC Milan ku iibsato €1bn.

Shirkaddan raaxada iyo tamashlaha ka xoolaysatay ee LVMH Group isla markaana leh brands ay ka mid yihiin Louis Vuitton, Fendi, Christian Dior, Givenchy, Marc Jacobs iyo Fenty ayaa muddaba lala xiriirinayay iibsiga Milan.

Sida ku dhigan Corriere dello Sport iyo Tuttosport, oo ku biiraya warqaadyada La Repubblica iyo Corriere della Sera oo horay sheekadan u sidey, qoyska Arnault ayaa xiisaynaya in AC Milan kala wareegaan Elliott Management.

Waxay miiska soo saareen dalab loo badinayo inuu yahay €960m-€1bn, taasoo la mid ah isla lacagtii horay loo hadal hayay bishii Sebtember.

Wakiillo metelaya Arnault ayaa horay dhowr beeniyay inay iibsanayaan AC Milan, waxaana ka mid ahaa war uu soo dhigay Instagram ganacsade Antoine Arnault bishii Sebtember 28.

“Xushmad ballaaran baannu u haynaa naadigan quruxda badan iyo taariikhdiisa guunka ah, balse ma xiisaynayno inaannu iibsanno, waloow aannu u rajaynayno nasiib wacan.” ayuu u dhignaa warkiisu.

Hadalsame Media