DHEGEYSO: Sweden oo soo wadda sharci aysan jeclaysan doonin waalidiinta Soomaalidu!

0

(Stockholm) 14 Nof 2019 – Si caruurtu aysan ugu dhicin shabakadda dambiyadda, ayay dowladdu waxay dooneysaa in caruurta halista ugu jira xaaladahaasi lagu khasbo dadaalka hay’adda adeega bulshada iyadoo aan ogolaansho laga helin waalidka.

Dowladda ayaa dooneysa in ay u dhiibto hay’adda hoggaanka bulshada howl ay ku soo diyaariso hindise sharci oo hay’addaha adeegyada bulshadu ku yeelan karaan awoodo dheeri oo ay ku hareer mari karaan go’aannada waalidiinta.

Laamaha adeegyada bulshada ee degmooyinka ayaa imminka adeegsada dadaalo furan oo ay oggolaasho ku weydiiso waalidiinta iyo ubadka waxaana ka mid ah caawinaad iyo wadahadalo.

Wasiiradda arrimaha bulshada Lena Hallengren (S) ayaan dooneeyn in ay faahfaahiso tallaabooyinka dheeriga ah oo ay dooneyso in laamaha adeegga bulshada la siiyo balse waxay sheegtay in ay jeclaan lahayd in caruurta iyo dhallinyradda lagu qasbo dadaaladda furan ee laamaha adeegyada bulshada iyadoo aan ogolaansho laga raadin waalidka.

– Maanta marka aad eegto xaaladda sida dhallinyradda ku jirta kooxaha dambiyada, oo dhowwaantanba waa tii aan aragnay in Malmö lagu dilay wiil 15 jir ahaa.  Waxaa jira xaalado soo muuqan kara oo lagu joojin karo dhibaatada. Laanta adeegga bulshada ee Socialtjänsten waxay ku eegtaa indho ka duwan, sida mas’uulka ilmuhu wax u arkaan.

Waxaa iminka jira hanaan gooni ah oo caruurta da’doodu ka weyn tahay 15 sano wax loogu qabto iyada oo waalidka aan ogolaansho looga baahan.

Balse howsha cusub ee iminka loo dhiibay hay’adda ee ah in ay soo diyaariso hindise sharci  oo khasab ka dhigaya in xitaa caruurta da’doodu 15 ka yar tahay taageero loo fidin karo.

Lena Hallengren, ayaa u aragta in ay macquul tahay in la xadeeyo xaqa waalidku u leeyahay go’aan ka gaarista howlaha ilmahooda.

– Waa wax u wanaagsan caruurtooda. Waxaan rajeynayaa in keliya aysan eegin hadda balse fiiriyaan mustaqbalka markii si lama filaan ah ubadkooda ugu soo dhaco wadada toosan, ayay tiri wasiiradda.

Xigasho: Radio Sweden

Hadalsame Media