Ujeedka mashruuc qaali ah oo ay isla fulinayaan Kenya, Somalia, Ethiopia, Djibouti iyo Eritrea oo la sharraxay!

0

(Tunis) 05 Nof 2019 – 5 dal oo ku yaalla Geeska Afrika oo ay Somalia ka mid tahay, ayaa sahminaya sida loo fulin karo mashruuc wada jir ah oo ay ku baxayso lacag badan oo gaaraysa $15 bilyan oo doollar, si loo dhiso kaabayaal casri ah oo ganacsi iyo kuwo horumarineed oo gobolku yeesho.

Mashruucan oo soconaya muddo 5 sanadood ah, isla markaana ay maaliyad ahaan uu taageerayaan ururka Midowga Yurub, Baanka Adduunka iyo Baanka Horumarinta Afrika, ayaa waxaa ku baxaya $15 bilyan oo doollar, waxaana loogu tala galay in lagu sameeyo jidad, dekedo iyo terminaallo ganacsi oo isku xiraya dalalkan, si loo kobciyo dhaqaalaha gobolka.

Mashruucan ayaa laga fulinayaa dalalka Kenya, Somalia, Ethiopia, Djibouti iyo Eritrea waxaana la meel dhigay bishii tagtay oo la qabtay shirka sanadlaha ah ee Baanka Adduunka iyo IMF oo ka dhacay Washington DC.

Sida ku cad war kasoo baxay Bankiga Horumarinta Afrika, qorshaha Geesku wuxuu ka kooban yahay 4 qaybood oo ay ugu muhiimsan yihiin wanaajinta kaabayaasha gobolka sida jidadka, horumarinta ganacsiga, is dhexgalka dhaqaale iyo soo kabasho dhaqaale. Qodobka 4-aad waa dhismaha raasumaalka dadka, sida dhinacyada aqoonta, wacyiga iyo xirfadda, waxaana ku baxaya $15 bilyan oo diyaar ah.

Madaxwayne Xigeenka Bankiga Horumarinta Afrika (ADB), Khaled Sherif ayaa sheegay inuu gobolka Geesku yahay mid asaasi ah fursado badanna leh, maadaama buu yiri uu ku yaallo meel istaraatiji ah oo muhim u ah siyaasadda dhuleed ee caalamka, isagoo isku xira Badda Cas, Badda Carbeed, Badwaynta Hindiya, iyo Gacanka Cadmeed, markin caalami ahna ah.

Inta badan dalalka Geeska Afrika ayaa dhanka kale haatan ka koris badan dhaqaale ahaan marka loo eego qaaradda Afrika marka la eego celceliskii koritaan ee 2018-kii dhanka GDP-da.

Tusaale ahaan, celceliska Afrika wuxuu sanadkii tegey ahaa 3.5%, halka Ethiopia ay gaartey 7.7%, Djibouti 5.6%, Kenya 5.9%, Eritrea 4.2%.

Somalia oo iyadu ka duwan sababtana la fahmi karo ayaa saasoo ay tahay kobacday 2.9% marka la eego wax soo saarka maxalliga ah.

Hadalsame Media