”In wax laga qabto silaca Somalia waa waajib saaran Muslimiinta oo dhan!” – Cavuşoglu

0

(Dooxa) 03 Nof 2019 – Wasiir Dibadeedka Turkiga ee Mevlut Cavusoglu ayaa sheegay in wax ka qabashada silaca haysta umadda Soomaaliyeed uu yahay waajib akhlaaqi h oo saaran dunida Muslimka oo idil.

Wasiirka ayaa warkan ka jeediyay mar uu ka qayb gelayey kulan heer wasiir ah oo ay yeelanayeen Wasiirrada Iskaashiga Islaamka ee ku jira OIC Contact Group on Somalia, kaasoo lagu qabtay caasimadda Qadar ee Dooxa.

Wuxuu beesha caalamka ugu baaqay inaysan ka aamusin silaca dadka Soomaaliyeed.

“Waa inaanu farqigeenna meel iska dhignaa oo moowqif midaysan ka qaadannaa nabadda iyo baraaraha Somalia, sidoo kale waa inaan abuurnaa jawi ku habboon siyaasadda, amaanka iyo deganaanta dhaqaale ee Somalia, waana waajib saaran Muslim kasta” ayuu yiri Cavuşoglu.

Wasiirka ayaa sheegay in Turkiga oo Somalia ka caawiya dhinacyo badan sida gargaarka iyo horumarinta oo ay Bilyan doollar ku bixiyeen, isla markaana ay dhisayaan ciidamada Somalia, uu doonayo inuu ka dhiso dhanka aqoonta, isagoo kumannaan arday ah wax ku bara jaamacadisiisa.

Hadalsame Media