”Laba CILLADOOD oo waawayn ayaan markasta ku arkaa Garoonka Aadan Cadde!”

0

(Muqdisho) 02 Nof 2019 – Labo cillad oo aniga aad iila weyn baan ku arkaa Airport ka markasto oo aan soo dagaayo ma aqaan in la ila arkay iyo in kale.

1 – Meesha laga qaato boorsooyinka waxaa taagan xamaali ka badan musaafurka, inti aan safraayay waligeey ma arag hal qof oo xamaali ah oo taagan meesha boorsooyinka laga qaato marka laga reebo mid caawinaaya dadka caawinaadda u baahan ee gaariga lagu sido, waxaa kaloo aad arkeysaa boorsooyinka musaafurka waxaa ka badan alaabta CARGO-da waligeey ma arag CARGO iyo alaabta musaafurka oo isku meel iyo isku mar la dajinaayo.

2 – Markii aad alaabtaada soo qaadato ma jirto wax scan ah oo aad soo mareyso, taas waxeey ka dhigan tahay wax kasto oo aad rabto baad dalka soo galin kartaa, maamulka Garoonka masuuliyadda ka saaran dadka iyo alaabta baxeysa waxaa ka badan masuuliyadda ka saaran waxa dalka la soo gelinaayo, waan arkaa kuwa kastam la dhaho oo canshuur raadinaaya oo musaafurka dhiba, laakiin waxa aan ka hadlaayo maaha wax ay shaqo ku leedahay Wasaarada Maaliyadda ee waa shaqada Wasaaradda Amniga.

Caalamka dadka transit-ka ah alaabahooda waxaa la mariyaa scan si aanan Airport-kaas loola dhex marin wax dal kale lagu dhibaayo, halka anaga keenna waxa soo galaaya aysan jirin cid ay masuuliyadi ka saaran tahay.

War ma ila aragteen mise anigaa ah qofka kaliya oo waalan?

Intaan dambe gadaal baan uga daray….

Dadka leh scan baa meel kale yaal oo la soo mariyaa, anigaa madaxa ka dhiibtay meesha boorsada laga soo bixiyo waxa kaliya aan arkaayayna waxay ahayd in gaarigii diyaarada looga soo qaaday laga soo tuur tuuraayay oo weliba, meeshaas na meel scan iyo gaarigaas wada qaadda ma ahayn ma aqaan haddii scan gacan ah la soo mariyay.

Waxaa Qoray: Bisle Xasan Maxamed

Hadalsame Media