macallinka xulka Senegal oo ka sheekeeyay qiso muujinaysa inay Afrika weli niyadda ka ADDOONSAN tahay!! (Qiso dhab ah)

0

(Dakar) 30 Okt 2019 – Aliou Cissé, macallinka xulka Senegal ayaa ka sheekeeyay qiso la yaab leh oo wax badan ka sheegaysa, sida ay Afrika weli ninka cad u aaminsan tahay, taasoo hoos u dhigta kartida iyo hal abuurka Afrikaanka.

Wuxuu ku bilaabatay: ”Madaxda xiriirku waxay raadinayeen macallimiin caddaan ah oo lacago badan doonaya. Waxaan el Hadji Diouf iyo laacibiin kale ka baryey inay dowladda waydiistaan in aniga la i magacaabo, balse ma sahlanayn waayo Wasiirka Ciyaaruhu wuxuu doonayay macallin Alain Giresse (French) kaasoo dalbanayay malaayiin francs.”

”Kaddib dhowr todobaad oo wada xaajood ah waxaa lakala tegey heshiis la’aan, waxaana deeto aniga i casuumey Wasiirka, waxaana ka faa’iidaystey fursaddii anigoo ku iri: ”Anigu malaayiin ma daba cararayee ii ogoloow inaan dalkayga u adeego.”

”Hadda waxaan gaarey final-ka Koobka Qaramada Afrika anigoo soo garaacay 9 macallin oo caddaan ah oo reer Yurub ah. Ilaahay wuxuu ii suurta geliyey in kuwa aan garaacay uu xitaa ka mid ahaado Alain Giresse. Waxaan madaxda Afrika ka codsanayaa inay walaalohood fursad siiyaan, halkii ay waqtigooda ku lumin lahaayeen iyagoo daba cararaya dadka caddaanka ah.” ayuu kusoo afjaray macallinka Senegal.

Hadalsame Media