Midowga Yurub oo hakiyay lacagtii uu siinayay Ciidamada Kenya ee Somalia (Nairobi oo walaacsan)

0

(Nairobi) 22 Okt 2019 – Ciidamada Xoogga Kenya ee KDF ee Somalia jooga ayay dhici kartaa inay howlohoodu cuuryaamaan kaddib markii uu Midowga Yurub dib u dhigay bixinta mushaarooyinkooda, sida soo baxday.

3-dii bilood ee ugu dambeeyay, waxaa sida diiwaanka ka muuqata hubban in Midowga Yurub uu joojiyay lacagihii uu siinayay KDF, taasoo culayska saaraysa dowladda Kenya, waloow ay ciidamadani haatan ka tirsan yihiin howlgalka AMISOM ee hoos taga QM.

Kenya ayaa sheeganaysa lacag dhan Sh5 bilyan oo shilinka Kenya ah, kuwaasoo ay doonayso in la siiyo ilaa 4,000 oo askari oo ka jooga koonfurta fog ee Somalia.

Midowga Yurub oo ah qaaraamaha ugu wayn ee bixiya kharashaadka AMISOM ayaa beri dhowayd sheegay inay sii wadayaan bixinta lacagahaasi ugu yaraan ilaa 2020.

Nairobi ayaa ciidamadeeda u dirtay koonfurta Somalia sanadkii 2011 iyagoo ku socdey howlgal ay u bixiyeen Operation Linda Nchi oo ka tarjumaya danohooda gaarka ah, waxayna si toos ah faragelin ugu hayaan siyaasadda gudaha ee Somalia, taasoo laga yaabo inay tahay sababta ay EU-du uga caga jiidayso inay mushahar siiso dal Somalia ka fulinayo howlo ka dhan ah ujeedka loo biilayo AMISOM, sida kala taageeridda doorashadii Jubbaland oo ay aad uga carootey DF & beesha caalamku.

Askariga KENYAN-ka ah ayaa bishii usoo xaadira Kshs103,000, taasoo ay dowladda Kenya ka goosato Kshs20,000 oo isbeeso iyo dayactir ah.

“Dowladdu waa faqri, marka haddii ay EU-du lacagta bixin waayaan, kaddib howlgalkoodu wuu fashilmayaa,” ayuu yiri Nyambega Gisesa, oo ah weriye Kenyan ah oo ka warrama howlaha KDF.

Hadalsame Media