”Sucuudiyoow bal horta adigu MURAAYAD isku eeg!” – Erdogan oo weerar ku qaaday dalal & ururro cambaareeyay weerarka Turkiga

0

(Ankara) 10 Okt 2019 – Madaxwaynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan oo goor dhawayd Baarlamaanka dalkiisa la hadlayay ayaa si cadho leh ugu jawaabay wadamo u Sucuudigu u horreeyo oo ka soo horjeestay Duulaanka uu ciidankiisu ku qaaday Kurdiyiinta Suuriya.

Erdogan ayaa isagoo waddan waddan ugu jaawaabaya waxaa uu yidhi sidan:

– Sucuudiga waxaan leeyahay; Muraayad soo qaado oo bal adigu dib iskugu fiiri, maaha in aad duulaankayaga ka hadasho adoo kumanaan qof Yemen ku laayay ama ku diley, waana in lagula xisaabtamo.

– Madaxweynaha Masar El sisi waxaan leeyahay; ma ahan in aad adigu dimuqraadiyad ka hadasho adoo horey u cunay dimuqraadiyadii Madaxweyne Mursi lagu doortay ka dibna Mursi laftiisa dilay.

– NATO waxaan leehay; Turkigu waa dawlad ka mida NATO, waxaan nahay dawladda shanaad ee bixisa kharashaadka NATO, idinka yeelimayno in aad daawataan kiiyoo dawlad NATO kamida ay soo weerarayaan kooxo argagixiso ah.

– Reer Yurub waxaan leeyahay; Haddii aad joojin waydaan hawlgalkayaga Suuriya in aad isticmaar ku sheegtaan annaguna waxaan ooda ka qaadi doonaa 4 milyan oo qoxooti Suuriyan ah ee aan idinka horjoogno.

– Waxaa duulaankayagan dhaliilaya waddamo carbeed oo aan hal qof oo qoxooti Suuriyaana aan haynin, annagu dhulkan aan kurdiyiinta ka saarayno waxaan ka dhisaynaa magaalo aan dajin doono hal Milyan oo qoxooti Suuriyaan ah.

Dambiile Bashaar Al- Asad isaga waxaaba igaga filan in uu yahay ninkaa dilay Hal milyan oo dadkiisa ka mida kuna dilay hubkii dalkooda, Asad waa Mujirim.

Dagaalka an kurdiyiinta kula jirno waxaa war xun ka gudbinaya Warbaahin edeb-daran. Annagu Illaahay ayaan ku tiirsannahay, ILLAAHAY hala jiro ciidankeenna. Aad baad u mahasantihiin. Wasalaamu Caleykum.

Fadlan walaal adigoo mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.

Waxaa Diyaariyay: Sayid Cismaan

Hadalsame Media