DHEGEYSO: Carruur la geeyay guriga nin horay carruur u kufsaday! (Muran ka taagan)

0

(Vänersborg) 30 Sebt 2019 – Carruur baa la sheegayaa in la geeyay guriga nin ku eedaysan inuu horay carruur u kufsaday – tiiyoo aanay waaxda adeegga bulshada ee socialtjänsten waxba kala soconin dembiga lagu tuhunsanaa. Ha yeeshee, iminka dowladda hoose ee Vänersborg ayaa doonaysa in xeerkan dib u eegis lagu sameeyo.

Xeerka iminka degsani wuxuu dowladda hoose ka hor istaagayaa inay si hordhac ah u ogaadaan dadka dembiyada lagu tuhunsan yahay, sida ay sheegayso Karin Saini oo ah madaxa qaybta Guryaha Qoysaska ee degmada Vänersborg oo arrintan kala hadashay Ekot.

”Waa arrin aad u halis badan marka ay timaado dembiyadan khatarta ah ee aynaan wax xog ah ka haynin ka waaxda adeegga bulshada ahaan,” ayay u sheegtay Ekot.

Dhowr bilood kahor intaan carruurtan gurigaasi la gaynin ayaa la sheegay in dacwad laga gudbiyay ninka ilmaha loo geeyay, iyadoo ay baaristu soconaysey markii carruurtan halkaa la gaynayay, sida ku cad dokumentiyo ay aragtay Ekot.

Yeelkeede, dowladda hoose ee Vänsborg marna booliiska kama helin wax xog ah, taasoo keentay halista iminka dhacday. Sababtuna waxay tahay in booliisku aanu wax xog ah siinin hay’adda adeegga bulshada ilaa qofka lagu soo oogo dacwad ku saabsan dembiga loo haysto.

”Ilaa uu xeer ilaaliyuhu qofka dacwad kusoo oogayo, wax wacaal ah heli mayno, baarista kiiskanina sanad ka badan ayay qaadatay kahor intaan dacwad lasoo oogin,” ayay Saini u sheegtay Ekot.

Kaddib markii carruurta laga soo wareejiyay gurigiisa waxaa ninka lagu xukumay xabsi gaaraya 3.5 sano, isagoo lagu helay inuu gabar yar ku kufsaday guri da’yarta lagu hayo oo uu ka shaqaynayay.

Degmada Vänersborg ayaa haatan riixaysa tillaabo horseed ah oo ay dowladda kaga codsanayso in dowladaha hoose fursad loo siiyo inay sii ogaadaan eedaysanayaasha aan weli dacwadooda la furin, balse ay baaristu ku socoto.

Ingrid Höjer, oo ah professor arrimaha bulshada ka dhigta Jaamacadda Göteborgs universitet ayaa sheegtay inay jirto halis ku aaddan inay carruur badani dabinkan ku dhici doonaan haddii aan wax laga bedelin xeerarka haatan jira.

”Waxaa dhici karta inuu qofku dembilaawe yahay oo ay yara adag tahay in haybta qofka la sii shaaciyo, balse kiiskan oo kale, waxaan weli qabaa in carruurta ku jirta xaaladdan baylahda ah dadka haynaya xogohooda loo gudbiyo degmooyinka,” ayay ku tiri Ekot iyadoo tixraacaysa kiiska Vänersborg.

Hadalsame Media