Messi & Ronaldo oo codayntooda ku muujiyay sida ay isu arkaan! (Arag sida u codeeyeen)

0

(Milano) 24 Sebt 2019 – Qannaaska Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa iska indha tiray Lionel Messi iyo Virgil van Dijk markii uu u codeeynayay laacibka ugu wanaagsan ee Best FIFA Men’s Player of 2019.

Ronaldo ayaa se waxaa rakada kula soo haray isla labadaa laacib xafladdii xalay lagu qabtay Milano, balse isagu waa ka maqnaa inuu daawado Messi oo koobka qaadanaya markiisii 6-aad.

Waxaa haatan soo baxday in CR7 aanu u codaynin jookarka reer Argentine ama Van Dijk wuxuu taa biddaalkeeda u codeeyay laacibka Juve ee Matthijs de Ligt, khadka dhexe ee Barcelona ee Frenkie de Jong iyo xiddig yaraha Paris Saint-Germain ee Kylian Mbappe.

Dhanka Messi wuxuu ugu yaraan Ronaldo u ogolaaday kaalinta 2-aad, halka uu 3-aad keenay De Jong, isagoo guusha ugu codeeyay laacibka Liverpool ee Sadio Mane oo uu 1-aad geliyay.

Van Dijk uma codayn laacibka reer Portuguese, wuxuu doortay Messi, Mane iyo laacibka Real Madrid ee Eden Hazard.

Kabtanka Juve iyo Talyaaniga ee Giorgio Chiellini ayaa doortay Ronaldo, De Jong iyo Mohamed Salah, halka uu macallinka xulka Azzurri ee Roberto Mancini uu doortay Ronaldo, Messi iyo Salah.

Hadalsame Media