SAWIRRO: CALANKA Somalia caawa ka qayb gelaya Derby Milano (Taageerayaal Soomaali ah oo halkaa gaarey)

0

(Hadalsame) 21 Sebt 2019 – Waxaa goor dhow bilaabanaysa ciyaarta AC Milan vs Inter Milan ee Derby della Madonnina oo ah derby ka mid ah kuwa ugu faca wayn uguna xiise badan caalamka.

Waxaa caawa garoonka San Siro xaadir ku ah dhallinyaro Soomaaliyeed oo ka tirsan taageerayaasha Milan gaar ahaan Somali Curva Sud, kuwaasoo ay ka mid yihiin Yaxye Suufi, Yuu Milano, Daacad Cali Cilmi, Leyla Xasan Warsheekh, Idil Cabdullahi, Maxamed Rossoneri iyo qaar kale.

Waxay ciyaartan uga kala yimaadeen labada dacal ee Badwaynta Atlaantigga, gaar ahaan geeska ugu shisheeya ee xeebaha galbeed ee Maraykanka, gaar ahaan Seattle oo uu ka yimid Yuu Milan ilaa woqooyiga fog ee Yurub sida Norway oo uu ka yimid Maxamed Rossoneri iyo Laylo Warsheekh iyo Idil oo ka yimid UK. Sidoo kale Italy & Switzerland ayaa ka mid ah.

Dhallinyaradan ayaa caawa walfinaya calanka Somalia iyagoo halkaa ku metelaya dhamaanba Soomaali oo idil sidoo kalena wixii halkaa ka dhaca caawa uga warramaya warqaadka Hadalsame.com, maadaama ay ciyaartani tahay mid xamaasad iyo xiise gaara leh.

Hadalsame Media