Maxay ku dhamaadeen kulamadii ay Somalia lakala ciyaartay Kenya & Burkina Faso? (Kenya & Somalia oo lafaha is ag dhigay) + Sawirro

0

(Nairobi) 21 Sebt 2019 – Xulka Somalia ee xeegada oo ka qayb gelaya koobka qaramada Afrika ee ka soconaya dalka Kenya ayaa ciyaartii 1-aad la ciyaaray dalka tartanka marti gelinaya ee Kenya.

Ciyaartan oo aad u kululayd ayaa waxay ku idlaatay guul dirqi ah oo ah 7-6 looga adkaaday xulka Somalia.

Soomaaliya oo ay metelayaan laacibiin gebi ahaanba laga soo xulay magaalada Gothenburg ee caasimadda 2-aad ee dalka Sweden, ayaa isla duhurkii kaddib 1:15 la ciyaarta dalka Burkina Faso, waxaana Somalia looga adkaaday 6-1.

Somalia oo sidan ku hartay ayaa kulanka ugu dambeeya heerka guruubyadana waxay Axadda berri ah la ciyaari doonaan dalka Togo, saacadda Afrikada Bari marka ay tahay 10:15 xilliga barqannimada.

Hadalsame Media