DHEGEYSO: Somaliland oo iska FOGEYSEY warbixin lagasoo saaray maamullada Somalia

0

(Hargaysa) 20 Sebt 2019 – Maamulka Somaliland ayaa jawaab ka bixiyay warbixin uu xaaladda xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya ka soo saaray khabiir madax banaan oo soo baaray.

Khabiirkan ayaa meelaha uu ku xusay warbixintiisa ee uu sheegay in xadgudubyo xuquuqda aadanaha ah ay ka dhacaan ayaa waxaa ka mid ahaa Somaliland.

Somaliland ayaa warbixintaasi ku tilmaantay mid lagu deg degay oo siyaasadaysan, waxayna diiday qaar ka mid ah waxyaabaha uu xusay khabiirka.

Warkan waxaa Harigesa ka soo diray Khadar Maxed Cakule oo ka tirsan VOA.

Hadalsame Media