DAAWO: Isbeddel ku yimid dhismihii garoonka Berbera (Ma Imaaraadka & Biixi ayaa isku dhacsan?)

0

(Hargaysa) 14 Sebt 2019 – Dhismihii ka socdey garoonka Berbera oo markii hore la sheegay inuu noqonayo saldhig ciidan oo ay adeegsan doonaan ciidamada Badda Imaaraadka ayaa haatan la sheegay in ay isticmaali doonaan rayidku, sida uu sheegay MW Somaliland Muuse Biixi.

Biixi oo hadlayay markii uu kasoo noqday booqasho uu Jabuuti ku gaarey ayaa warfidiyeenka u sheegay in dhismaha garoonka lagu wareejinayo hay’ad rayid ah wixii loo gaaro todobaadka soo aaddan, si dhismaha loo dhamaystiro.

“Dadku waxay moodayeen inuu garoonku noqonayo mid ciidan balse rayidka ayaa isticmaali doona,” ayuu yiri Biixi oo intaa raaciyay in shirkad cusubi ay agab dhisme lasoo degeyso todobaadka soo socda si ay dhismaha usii waddo.

Lama oga in tillaabadani ay khilaafsan tahay heshiis uu ansixiyay Baarlamanka Somaliland 2017-kii., balse wararka qaar ayaa sheegay in heshiiskaa la kansalay.

Divers Marine Contracting LLC ayaa horay ugu guulaysatey qorshe uu ku baxayo $90 milyan oo doollar oo ay Bloomberg bishii Nofeembar sheegtay in uu soo dhamaanayo Juun 2019, balse taasi kuma hirgelin waqtigaas.

Baarlamanka ayaa sidoo kale Febraayo 2017 anxisiyay mashruuc la sheegay inuu Imaaraadku ku bixinayo $442 milyan oo doollar oo 30 sano oo dhan ay ku haysanayaan Dekedda Berbera oo lagu wareejiyay DP World, taasoo ay ka gilgilatey Muqdisho oo heshiiskaa ku tilmaantay mid ka dhan ah madax bannaanida gayi ee Somalia, isla markaana ay baabi’iyaan xildhibaannada Baarlamanka dhexe ee DF Somalia.

DP World ayay horay iskugu dheganaayeen Jabuuti oo 2006-dii heshiis 30 sano ah u saxiixday DP, si ay u maamusho Dorale Container Terminal, balse markii dambe waa laga eryey dalkaasi, iyadoo ay maxkamada London Court of International Arbitration ay bishii Agoosto 2018 ay tillaabada Jabuuti ku tilmaantay mid sharci darro ah.

Lama oga inay arrintani jidkaas oo kale ku joogto, Biixina ma faahfaahin sababta isbeddelkan keentay.

Imaaraadka ayaa sidoo kale horay looga eryey Yaman, iyadoo ay dalalka gobolku aaminsan yihiin in ujeedka DP aanu ahayn horumarin, balse ay ku dadaalayaan inay dul degaan dekedaha gobolka si aysan kuwooda ula tartamin.

Hadalsame Media