DAAWO: Kenya oo SHURUUD adag ku xirtay hal arrin oo ku saabsan aayaha Somalia

0

(Nairobi) 05 Sebt 2019 – Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay la shaqayn doonto dalalka kale si nabad loogu soo dabbaalo dalka Somalia oo uu dalkaasi amaan ka noqonayo, sida uu sheegay Madaxwayne Xigeenka Kenya William Ruto barnaamijka BBC ee Hardtalk ugu warramay Stephen Sackur.

“Waxaan nahay jaal mas’uul ah oo ka tiran AMISOM, waxaana kala shaqayn doonnaa dalalka kale, mubaadarada QM ee ku saabsan in hubaal laga dhigo amaanka Somalia,” ayuu yiri.

”Kenya waxay leedahay dan wayn waayo waa deriskeenna,” ayuu raaciyay Mr Ruto, oo sharraxay inay “qar iska tuurnimo tahay” inay Somalia iskaga baxaan, iyadoo ay ka jirto halis khatar gelinaysa dalka Kenya.

Soomaali badan ayaan la dhacsanayn joogitaanka Kenya ee Somalia oo aan ilaa iminka saamayn fiican ku yeelanin nabad soo celinta Somalia, iyadoo marka laga soo tago in lagu eedeeyo la ganacsiga Shabaab, ku milanka siyaasadda gudaha dalka, burburinta kaabayaasha dalka sida isgaarsiinta, ay sidoo kale meesha taallo dhul Soomaaliyeed oo ay sheeganayso.

Waraysigan ayaa horay uga baxay BBC World News iyo BBC News Channel, 12-kii Febraayo 2019.

Hadalsame Media