Isticmaalka Facebook oo ay dhici karto in LACAG laga dhigo!!

0

(Menlo Park, CA) 28 Agoosto 2019 – Facebook ayaa la sheegay inay dhici karto in lacag laga dhigo adeegsigiisa, tuhunkaasoo dhashay kaddib markii ay bedeleen hal-ku-dheg ku qornaa afaafka hore ee laga soo galo.

Sida uu dareemay Business Insider, camaaliqada baraha bulshada ayaa dhowaantan iyadoo aanba lagu baraarugin mar qura bedeshey qoraalkii wejiga hore oo ahaa markii hore, ‘Waa lacag la’aan sidaa ayuuna aalaaba ahaan doonaa’, iyadoo ku bedeshey mid kale oo siyaabo kala geddisan loo fasiran karo oo ah; ‘Waa dhaqse waana sahlan yahay.’

Bedelkan ayaa dhacay intii u dhaxaysey bishan Agoosto 6-7-deedii, waloow aan wax wacaal ah oo rasmi ihi weli ka imanin dhanka sharikadda Facebook.

Hadalsame Media