SERIE A: Hal arrin oo ku cusub Horyaalka Talyaaniga oo maanta furmaya & kulamada dhacaya!

0

(Roma) 24 Agoosto 2019 – Waxaa maanta soo laabanaya Horyaalka Talyaaniga ee Serie A oo u muuqda mid lasoo laabanaya xiisihiisii, waloow uusan weli gaarin heerkii uu joogi jirey.

Fasal-ciyaareedka 2018-19, waxaa maanta oo Sabti ah oodda lagaga qaadayaa Parma v Juventus, iyo Fiorentina vs Napoli, balse sanadkan waxaa ku cusub in ay laacibiinta qaarkood wadan doonaan baaj u gaar ah oo muujinaysa guulihii ay sanadkan gaareen.

Waxaa dadka astaanta ama baajka gaarka ah xiran doona ka mid ah qannaaska Sampdoria ee Fabio Quagliarella oo sanadkii tegey ku guulaystey gool dhalinta Horyaalka Talyaaniga ee Capocannoniere, oo uu ku qaaday 26 gool.

Laacibiinta kale ee xiran doona baajajka abaalmarrinadii ay ka heleen MVP Awards, waxaa ka mid ah qabtaha Inter ee Samir Handanovic, daafaca Napoli ee Kalidou Koulibaly, laacibka khadka dhexe ee Lazio Sergej Milinkovic-Savic, iyo jookarka Juventus ee Cristiano Ronaldo.

Dhanka da’yarta waxaa baajka da’yarka ugu wanaagsan xiran doona laacib-yaraha AS Roma ee Nicolò Zaniolo.

KULAMADA TODOBAADKAN DHACAYA OO DHAN:

SABTI

Parma-Juventus

Fiorentina-Napoli

AXAD

Verona-Bologna

Roma-Genoa

Sampdoria-Lazio

SPAL-Atalanta

Cagliari-Brescia

Torino-Sassuolo

Udinese-Milan

ISNIIN

Inter-Lecce

Hadalsame Media