DAAWO: ”Waxaad tahay MUNAAFAQAD!!” – Dagaal bisadeed dhex maray Priyanka Chopra & Ayesha Malik

0

(Los Angeles, CA) 24 Agoosto 2019 – Qalanjada Hollywood ee Priyanka Chopra ayaa cambaarayn ba’an kala kulantay tweet ay samaysay 26-kii bishii Febraayo ee sanadkan, kaasoo ay taageero ugu muujinaysay ciidamada dalkeeda Hindiya, balse waxaa lagu tilmaamay munaafaqad.

Sababtu waxay tahay in qayb ahaan ay xilligaa kacsanayd xiisadda ka dhex oogan labada dal oo ku wada hubaysan quwadda nukliyeerka iyo in Ms Chopra ay tahay Danjire sharafeed ka tirsan UNICEF, sidaa darteed ay tahay inay u hadasho caalamiyan. Dad badan ayaa soo jeediyay in laga xayuubiyo xil sharafeedkaas.

Haddaba gabadha reer Pakistan ee Ayesha Malik oo ah Youtuber caan ah, ayaa fursad ku heshay atirishada Hindiga ah jeer ay ka qayb qaadanaysay Beauty Con oo lagu qabtay Los iyadoo weerar ku qaadday Priyanka Chopra, iyadoo sheegtay inay doonaysay inay dadka tusto midabkeeda rasmiga ah.

”Waa yara adag tahay in aan maqalno adiga oo insaaniyad ka hadlaya, maxaa wacay anigoo deriskaaga ah, Pakistaani ahaan, waxaan ogahay inaan MUNAAFAQAD tahay!” ayay ku qaylisay Ayisha oo jamaahiirta warka kasoo dhex tuuraysa.

”Waxaad tahay Danjiraha UNICEF ee nabadda, waxaadna dhiiri gelinaysaa dagaal NUKLIYEER oo Pakistan lagu qaado, kaasoo aanu qofkeenna ku guulaysan doonin.” ayay daba dhigtay.

Deeto waxaa warkii qaadatay Priyanka oo ay ka muuqato inaysan si xushmad leh u hadlaynin. ”Horta qayladii ma dhamaysatay, hagaag waa dhag” ayay ku bilowday, iyadoo kaddibna ku doodday inay leedahay saaxiibbo Pakistaani ah balse ay waddaniyad tahay, taasoo aan ka jawaabaynin eedda loo jeediyay.

Hadalsame Media