”Waar anigu DOQON maahi!” – Lukaku oo kashifay arrin ay samaysay Man Utd oo keentay inuu ka calool xirto!

0

(Milano) 21 Agoosto 2019 – Laacibka Romelu Lukaku ayaa furka ku xoroay kooxda Manchester United isagoo ka qayb qaadanaya dood la qabtay kahor intii aanu u wareegin naadiga Inter.

Laacibka reer Belgium ee caalamiga ah ayaa arrintan ku faaqidey waraysi dheer oo uu siiyay LightHarted Podcast oo uu wado Joe Hart, isagoo ka sheekeeyay kasoo wareegistiisii Trafford iyo imaanshihiisa Serie A.

“Wax badan ayaa la iga sheegay, Roma halkaas ayuu aadayaa, iyagu ma rabaan inuu joogo iyo alaabo kale, waxaana dareemayay in aanu naadigu si ku filan ii difaacin ama u beenin.” ayuu ku qayliyay Rom.

“Waxaan siiyay 3 todobaad oo idil, anigoo sugaya inuu qof hadlo oo wararkaa beeniyo. Ma se dhicin, sidaa darteed waxaan u sheegay inay ku fiican tahay in aannu is waydaaranno.” ayuu daba dhigay.

“Doqommo ma nihin. Waxay na moodayaan dad dhoohan, balse ma dhoohnin, waa ognahay cidda wararkan dusinaysey.” ayuu ku dooday.

Juventus ayaa laacibkan gadaal kasoo gashay, balse Conte ayaa doonayay xitaa wagiisii Chelsea, taasoo keentay inuu doorto kooxda Inter Milan.

“Waxaa muhim ah inaad joogto meel lagaa rabo.”

Hadalsame Media