Halkee marayaa baaritaanka qaraxii Xarunta Gobolka (Dad ku jira xayndaabka hoose oo ay fari ku godan tahay)

0

(Muqdisho) 02 Agoosto 2019 – Waxaa shalay geeriyoodey Guddoonkii Gobolka Banaadir Inj. Yariisoow (AUN) kaas oo ka mid ahaa dadkii ku dhaawacmay weerarkii qaraxa ahaa ee 24-kii bishan ka dhacay Aqalka Xamar.

Waxaa haddaba soconaya baaritaan lagu samaynayo sababta ay ku suura gashay in la qarxiyo Hoolkii Shirarka oo ah meesha ugu muhiimsan Xarunta Gobolka oo guud ahaan amaankeeda aad loo sugo.

Waxay shacabku fahamsan yihiin in aan meeshaa cidina geli karin haddii aysan gacan ka helin dadka ku jira xayndaabka hoose, sida ilaalada iyo howlwadeennada kale.

MAXAA SOO BAXAY ILAA IMINKA?

Sida uu xog hoose ku helayo Hadalsame Media, waxaa dhacay arrimo badan oo la yaab leh kahor weerarka sida kaamirooyinka amaanka CCTV oo la sheegay in la damiyay, gaar ahaan middii ku taalley qolka uu qaraxu ka dhacay.

Waxaan kale oo naloo sheegay in ay soo baxday in howlwadeennada qaarkood ay gudaha usoo gudbayeen iyadoo aan la baarin.

”Waxaa farta lagu godey qaar ka mid ah ilaaladii xarunta.” ayuu Hadalsame ku yiri sarkaal sare oo xog ogaal ah oo magaciisa qariyay, waloow uusan sheegin in ilaaladaasi ay ka mid yihiin dadka ilaa haatan la qabtay iyo inay baxsad yihiin.

Madaxda sare ee DF Somalia ayaa arrinta si wayn isha ugu haya, maadaama ay tahay arrin halis wayn xambaarsan, isla markaana muujinaysa in ay dhici karto in qaraxyo badan ay iska kaashadaan kooxda Al Shabaab iyo dad ku jira xayndaabka DF Somalia, amaba ay mararka qaar dhici karto in ay dhacaan qaraxyo iyo dilal aysan gebi ahaanba shuqul ku lahayn kooxda Shabaab, oo caadiyan iska sheegata wixii dhaca.

Hadalsame Media