Waxay iska tuurtay dayuuraddii ay saarnayd oo duulaysa joog dhan 1130 mitir + Sawirro (Raqdeeda oo aan rajo laga qabin & sababta)

0

(Antananarivo) 01 Agoosto 2019 – Gabar dhiganaysay jaamacadda caanka ah ee University of Cambridge ayaa la sheegay inay daaqadda iska furtay kaddibna ka booddey dayuurad yar oo ay saarnayd oo ku jirtey hawada Madagascar, iyadoo kasoo dhacday joog dhan 5000 oo cagood.

Alana Cutland, oo 19 jir ahayd, oo ka timid Milton Keynes, isla markaana ka cabanaysay xanuunka qoonsiga ‘paranoia’ waxayna iska soo tuurtay dayuurad Cessna ah oo ay u kireeyeen waalidkeed Neil iyo Alison oo ay gura dambays u ahayd, si ay ugu laabato magaalada London.

Ruth Johnson, oo ah 51 jir British ah isla markaana dayuuradda waddey, ayaa dhowr daqiiqo la hardamaysay iyadoo lugaha ku dheggan, balse waa ka baxsatay markii ay daashey waxaana dayuuradda saarnaa rakaab kale, iyadoo ay arrintani dhacday 25-kii bishii tagtay.

Kooxaha gurmadka ayaa haatan raadinaya raqdeedii, balse uma badna in la helo sababtoo ah waxay isku tuurtay meel kaymo badan oo jiq ah, isla markaana ay ka buuxaan xayawaanno hilib cunayaal ah, sida xayawaanka shabeelka lagu sooco oo naadir ah oo halkaa uun laga helo, kaasoo la yiraahdo Fossa.  Ka eeg sawirka hoose.

Gabadhan ayaa sanadkii 2-aad dhiganaysay Cilmiga Bayolojiga, gaar ahaan Natural Sciences waxayna gasiiraddaa u tagtay booqasho waxbarasho oo ay waalidkeed debarayeen, si ay baaritaan ugu sameeyso gunta Badwaynta Hindiya iyo carsaanyo dabar go’aysa oo halkaa ku nool.

Waxaa la sheegay inay waalidkeed oo ku nool Buckinghamshire, England si joogto ah ula hadlaysay iyadoo aad u murugaysnayd, taasoo keentay in dayuuradda loo ijaaro kaddib markii xaaladeeda loo arkay ”mid deg deg ah.” Dayuuradda ayaa kasoo qaadday gasiiradda woqooyi si loo geeyo garoonka Ivato Antananarivo oo ay uga duuli lahayd Paris kaddibna London.

Sida uu sheegay sarkaal ka tirsan booliiska maxalliga ah, Sinola Nomenjahary waxay gabadhani marar badan codsatay in la siiyo taageero niyadeed, iyadoo ay horay 5 jeer ugu dhacday jirrada niyadeed ee qoonsiga, taasoo ku adkaysay inay maarayso daraasaddii ay meesha u tagtay.

Alana ayaa markii hore loo qorsheeyay inay 6 todobaad halkaa joogto, balse waxaa safarkii lasoo jaray markii ay 8 maalmood uun halkaa ku sugnayd kaddib markii ay la hadashay hooyo Alison iyo aabe Neil Cutland, oo labaduba 63 jir ah.

Alana ayaa se markii ay 10 daqiiqo uun hawada ku jirtey, iska furtay suunka fadhigeeda, kaddibna hollisey inay furto albaabka dayuuradda, waxaana muddo 5 daqiiqo ah ku dhegganayd Ms Johnson oo iska sii daysey markii ay daashey. Waxay deeto kasoo dhacday meel badda ka sarraysa joog dhan 1130 mitir (5,000 cagood).

Hadalsame Media