Muqdisho oo ay ka bilaabatay in dadka lagu dhoco qaabab INDHO-SARCAAD ah (Wiil mooto laga qaatay)

0

(Muqdisho) 01 Agoosto 2019 – Wiil Soomaaliyeed oo Mootadiisa looga qaatay Indha-Sarcaad. Ka dib markii aan qoray dhacdadii ku dhacday gabadha Soomaaliyeed ee reerkeeda ka maqneyd Muddada Saddexda maalin ah, waxaa ila soo xiriiray dad badan oo su’aalo iga waydiinayo sheekada waxa aan u sheegay in ay xaqiiq tahay haddii ay rabaan gabadhana lala kulansiin karo.

Dhanka kale dhowr qof ayaa ila wadaaagay dhacdooyin iyaga qabsaday, waxa ay ii sheegeen in indho sarcaad iyo Madiido looga qaatay Mobile, lacag, laptop iyo agab kale.

Mid ka mid dadka ila soo xiriiray ayaa iiga sheekeeyay in mooto uu lahaa ay indho sarcaad uga maqan tahay, wuxuu ii sheegay in uu mootada ku raad joogo marka uu helana uu diyaar u yahay in arrinta ku dhacday uu ka hadlo.

Waxa aan ka codsaday in sida ay wax ugu dhaceen ii sheego si ugu yaraan aan u qoro:- Maxamed Cali waxa uu ka mid yahay dhalinyarada ku shaqeeysta Mootooyinka Bajaajta, muddo labo sano ah ayuu kaxeynayaa mootada.

Muddo laga joogo 3 todobaad waxaa mootadiisa oo taagneyd isgooska Zoope soo raacay, labo wiil oo dhalinyaro ah , waxa ay ku dhaheen waxa aad nageeysaa isgooska Afarta Darjiin, isagu kama uusan shakin illeen waa mootoole soo shaqo tagay.

Markii uu xoogaa kaxeeyay mootada ayaa mid ka mid ah wiilasha waxa uu dhabarka ka taabtay wiilkii Mootoolaha ahaa wuxuu yiri lambarkaaga ii sheeg, inta uusan Jawaabin wiilkii kale ayaa yiri saaxiibow sug lama gaarin halkii aan rabnay marka aan dageeyno ayaan lacagta u direeynaa.

Ka dib wiilkii ayay ku sheeko darsadeen iyaga oo su’aalo ay ka mid yihiin arrimaha shaqadiisa waydiiyay, waxa ay ahaayeen wiilal labisan oo aad u furfuran sida uu ii sheegay, wiilka su’aal waliba oo la waydiiyo sida ay tahay ayuu uga jawaabaayay, waxaa la yiri markii danbe Mobile-kaaga noo dhiib lambar aan lacag ka sugeyno ayaan ka waceynaa, haye ayuu yiri wuu u dhiibay.

Waxa ay iska dhigeen in ay la hadlayaan qof ay lacag ka sugaayeen waxaa hadalkooda ugu danbeysay kan maa ku soo dirtay? Wax yar ka dib waxaa la dhahay lambar sideedkaaga noo sheeg wuu u sheegay kadibna waxaa laga tuurtay lacag 20 $ ah oo uu shaqeeyay.

Sida uu ii sheegay mobile-ka ayaa dib loogu celiyay isagana ma uusan fiirin jeebka ayuu iska gashtay. Xoogaa kadib waxaa la yiri dukaankaan hortiisa noo jooji.

Mid ka mid ah wiilasha ayaa yiri Saaxiibow lacagta mobile-kaaga noogu soo dhacday ee $8 ah waxa aad ka jarataa $3 inta kale dukaankaan nooga sarif, haye ayuu yiri wuxuu ka dagay mootada isaga oo aan furaha ka saarin.

Markii uu gudaha dukaanka galay, ayay mootadii la tageen, haddii uu fiiriyay haraagiisa waa ebar, waxa uu ka soo baxay dukaanka, haddii uu banaanka yimid waxa uu waayay mootadii iyo nimankii, markaasi ayuu soo baraarugay.

Dadkii goobta joogay ayuu waydiiyay qofba jaho ayuu u sheegay illaa hadda sidaasi ayay uga maqantahay muddo 3 todobaad ayuu baadi goobkeeda ku jiraa waxa uu ii sheegay in dad badan uu u diray walina lagu maqan yahay xitaa lacag uu u balan qaaday qofkii keena.

Waxaa Diyaarisay: Nasriin Maxamed Ibraahim

Hadalsame Media