MUSIIBO QARAN? 16 xildhibaan oo Kenyan ah oo uu mar qura ku wada dhacay cudurka KANSARKU (3 ay 2 siyaasi tahay oo bishan oo qura u dhintay)

0

(Nairobi) 31 Luulyo 2019 – Dad caan ah oo Kenyan ah ayaa cudurka Kansarka u go’ay, taasoo qayb ka ah tirada sii kordhaysa ee cudurka kansarka oo iminka fara ba’an ku haya Kenya.

Seddexdaa Kenyan waxay kala yihiin – Bob Collymore, madaxii Safaricom, xildhibaan Ken Okoth iyo siyaasiga Dr Joyce Laboso  – oo cudurkan halista ah u dhintay bishii Luulyo oo qura.

Haatan waxaa soo baxaysa in 16 xildhibaan oo Kenyan ihi ay watqi xaadirkan dibedaha, gaar ahaan Hindiya ugu maqan yihiin iska dawaynta cudurka kansarka.

Adeegyada caafimaad ee dalkaasi ayaa ku guul darraystay inay dadku helaan dawooyin bilaash ah ama ugu yaraan rakhiis ah, iyadoo ay maalin dhowayd kansarka ilma-galeenka u dhimatay gabar isbitaal Nairobi laga soo eryey kaddib markii ay iska bixin waydey biilkii dawooyinka, halka ay siyaasiyiintu hantidii umadda ku takri falayaan.

Shacabka ayaa haatan dowladda ugu baaqay in ay kansarka u aragto musiibo qaran waxna ka qabato.

Hadalsame Media