Xulka Somalia oo ka qayb qaadanaya isreeb-reebka Koobka Adduunka (Arag isku aadka)

0

(Qaahira) 29 Luulyo 2019 – Xulka Kubadda Cagta dalka Somalia ayaa ka qayb qaadanaya isreeb-reeb horaadka Koobka Adduunka soo aaddan ee 2022 lagu qabanayo dalka Qadar.

Xulka Somalia oo isreeb-reeb horaadka la gelaya qaaradda Afrika ayaa wuxuu ku aadey xulka Zimbabwe ee gobolka koonfurta Afrika.

Kulamada ay yeelanayaan dalalka Somalia iyo Zimbabwe oo ka kooban laba lugood oo degel iyo dool ah ayaa kala dhacaya 2-da ilaa 10-ka bisha Sebtembar.

Xulkii soo gudba ayaa ka qayb qaadan doona isreebreebyada harsan oo guruubyo rasmi ah oo xulalka lakala gelinayo.

Dhanka kale, xulka Jabuuti ayaa isna ku aadey dalka Eswatini (ex Swaziland), Itoobiya ayaa ku dhacday Lesotho, halka Eritrea ay wajahayso Namibia.

Halka ka eeg taxa oo dhamaystiran….

Hadalsame Media