Turkiga oo taageeraya qorshe ballaaran oo lagu dhisayo ciidamo xooggan oo ay Somalia yeelato + Sawirro

0

(Muqdisho) 28 Luulyo 2019 – Waddanka Turkiga ayaa ah dalka qura ee taageero, tababar iyo taakulo siiya qorshaha dib loogu soo noolaynayo Ciidamada Xooga Dalka Somalia.

Ciidamadan oo la geeyo meelaha ugu khatarsan adduunka, ayuu askariga Soomaaliyeed wuxuu naftiisa halis u geliyaa la dagaallanka kooxda Al-Shabaab, iyagoo aan helin taageerada saanadeed iyo midda dhaqaale ee ay u baahan yihiin.

“Marna lacagteenna si buuxda uma helin,” ayuu Seddex-Xiddigle ciidamada ka tirsani oo is qariyay u sheegay Wakaaladda Wararka AFP.

Ninkan ayaa ka hadlay inay jireen dad dhex roor ah “oo sii farataysta” inta yar ee mushahar ahaanta loogu qoondeeyay ciidamada oo ah $100 doollar bishii.

DF Somalia ayaa bishii Maarso si buuxda u bilowday qorshe lagu diiwaan gelinayo ciidamada, iyadoo askari kasta uu mushaarkiisa si toos ah uga helayo koontadiisa marka ay bishu dhamaato, si looga fursado raggaa dhex roorka ah oo ay qaarkood qorteen boqollaal askari oo ”rooxaan ah” ama aan jirin, balse mushahar uun lagu qaato, kuwaasoo iskugu jira magacyo la iska qortay ama kuwo waa hore dhintay, dhoofay ama goostay.

Hannaankan cusub ee la marsiinayo kaydka haybta askariga oo qaab elektaroonig ah u kaydsan sida farihiisa, magaciisa, darajadiisa, qaybta uu ka tirsan yahay, halka uu joogo, koontadiisa iwm, ayaa meesha ka saartay waraaqihii faraha badnaa ee marba qaab loo qori jirey.

Waxaa meesha laga saaray ilaa 10,000 oo askari oo ah “kuwii rooxaanta ahaa” oo diiwaankoodii la tirtiray — taasoo ka dhigan in 3-dii askariba uu midkood rooxaan ahaa markii hore.

Muqdisho ayaa qorshahahaa ku doonaysa inay meesha kaga saarto wax lagu sheegay ”Hoggaamiye Kooxeedyo” kasoo dhex baxay ciidamada oo askartii u kala googoostay qaybo ay iyagu kala xukumaan“ sida uu qoray Fiona Blyth oo ka tirsan Xafiiska QM ee Muqdisho UNSOM.

DF Somalia ayaa sheegtay in arrintani ay noqonayso mid wax badan ka beddeli doonta weelkii dabada ka dalooley ee 10-kii sanadood ee tegey wax lagu shubayay marka ay timaado dhismaha ciidamo AMISOM kala wareegi kara amaanka marka ay askartaa shisheeyaha ah oo ka badan 20,000 ay dalka ka baxaan.

Dalka Turkiga ayaa maalmihii yaraa ee tegey wuxuu dalkiisa iyo gudaha Somalia ku tababaray ciidamo xirfadlayaal ah oo iskugu jira noocyo kala duwan, si ay hoowshaa adag u xamilaan.

Hadalsame Media